Sunday, February 16, 2025
HomeDhaqaalahaShidaal miyaa laga helay Badda Somalia..?

Shidaal miyaa laga helay Badda Somalia..? [Akhriso Warbixinta Shirkadda SPECTRUM & Khariirad]

Somalia Awakens As East Africa's Oil Provinc

-

- Advertisement -

Shirkii Shidaalka Somalia oo 7-dii bishan Febraayo 2019 ka dhacay magaalada London oo ay soo qabanqaabisay shirkadda Spectrum ee laga leeyahay dalka Norway ayaa lagu soo bandhigay daraasad lagu sameeyay Badda Somalia ee ku teedsan xeebaha Hobyo ilaa Kismaayo.

Daraasadda ayaa muujisay suurtagalnimada in shidaal fara badan uu ceegaago badda Soomaaliya, waxaana sahmin muddo saddex sano socotay ay natiijadii noqota inay aad u sareyso rajada ah in Badda Soomaaliya laga helo shidaal, waxayna qiyaastu tahay in Balaayiin Barmiil ay ku jiraan Badda Somalia; iyadoo marxallada labaad ay noqon doonto in shirkadaha qoda shidaalka laga iibiyo shatiyo si a u bilaabaan qodista Shidaalka.

- Advertisement -

15 ka mida 50 Xirmo Badeed oo ay soo calaamadeysay shirkadda Spectrum ayaa lagu wadaa in tartan loo galo, si ay maalgashi ugu sameeyeen shirkadaha waaweyn ee shidaalka dunida, waxaana araji qabashada tartanka iibka la furayaa July 2019 iyadoo la xirayo Novembar 2019.

Waxaa saadaal laga bixiyey haddii saadaasha ay run noqoto, lana helo shirkad sax ah iyo shuruuc ay ku shaqeeyaan in shidaalkaasi lagu soo saari karo muddo 10 ilaa 15 sano ah.

Waxaan weli caddeyn arrimaha soo socda:

1- Imisa lacag ayaa ku baxday baaritaanka ay sameysay shirkadda Specturm?

2- Yaa bixinaya kharashka ay gashay shirkadda Spectrum..?

3- Yaa iibinaya marka suuqa la dhigayo xirmo badeedka shidaalka laga qodayo..?

4- kaalintee ayey dowladda Somalia ku leedahay howsha socota..?

5- Waqtiga saxiixa heshiisyada waaweyn ay dhacayaan oo ku beegan xilli Somalia doorasho galeyso 2020..?

No photo description available.

HOOS KA AKHRISO WARBIXINTA SHIRKADDA IYO GOOBAHA LA CALAAMEEYAY