Monday, February 17, 2025

Sheekh Xasan Nasrullaah oo ku baaqay in la weerarro dhammaan Saraakiisha & Ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe.

Hoggaamiyaha Ururka Xisbullaah Sheekh Xasan Nasrallah ayaa khudbad uu jeediyey uga hadlay xaallada ka dhalatay dilka Jeneraal Qaasim Suleymani oo hoggaamin jiray ciidamada Qudus.

Wuxuu sheegay in Jeneraal Qaasim Suleymaani aanu ahayn nin Iiraan kaliya ka baxay, balse uu yahay mujaahid dunida muslimka oo dhan u taagnaa, isla markaana sida kaliya ee loogu aargudi karo ay tahay in la beegsado saraakiisha ciidamada Mareykanka oo laga saaray Gobolka Bariga Dhexe oo dhan.

“Qaasim Suleymaani ma jiro wax u dhigma oo loogu aargudi karo siyaasiyiinta Mareykanka oo dhan… kabihiisa ayaa ka qiime badan madaxa Donald Trump… jawaabtu waxay noqon doontaa in meel kasta lagu beegsado saraakiisha iyo ciidamada Mareyakanka oo laga suuliyo joogitaankooda Gobolka..” ayuu yiri Sheekh Nasrallah oo ka mida ururada waaweyn ee ku xiran Iiraan.

Ad

Nasrallah ayaa ku baaqay in la beegsado dhammaan saldhigyada Mareykanka ee Gobolka Bariga Dhexe, sida Marakiibtooda, saldhigyadooda. “Waxaa Jeneraal Suleymaani dilay cidiamada Mareykanka, waa in iyaga looga qisaasaa..” ayuuna yiri.

Wxuu sheegay inaan la beegsan doonin shacabka Mareykanka oo ay u kala soocan yihiin ciidamada iyo rayidka Mareykanka, isagoo Trump ku tilmaamay doqon ku kacay fal axmqanimo ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON