Hogaamiyaha ururka hubeysan ee Xisbullaah Sheekh Xasan Nasrallah ayaa kashifay sir badan oo ku saabsan taliyihii ciidamada Qudus ee ilaalada Kacaanka Iiraan Jeneraal Qaasim Suleymani ee Mareykanku ku dilay duqeyn ka dhacday magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.
Xasan Nasrallah oo ka hadlayay xus loo sameeyay Jeneraal Suleymani toddobaad kadib Geeridiisii ayaa markii ugu horeysay ka hadlay waxqabadkii iyo taageeradii uu siiyey xisbullaahi jeneraalka, isagoo caddeeyay in Gem. Suleymani uu kala qeyb galay dagaaladii ay Xisbullaah la gashay Israa’iil sanadihii 2000 iyo 2006 uu gacan ka siiyey Gen. Qasim Suleymani.
Wuxuu intaas ku daray inuu labadii dagaalba la joogay Jeneraalka guushii ay gaareenna uu qeyb weyn ku lahaa, isla markaana dagaalkii 2006 ee Israa’iil iyo Xisbullaah inuu Gen. Qaasim Suleymani ku sugnaa Koonfurta magaalada Beyrut ee Lubnaan oo dagaalka wax ka hoggaaminayey, guushii ay gaareenna uu qeybta ugu weyn isagu lahaa. dhammaan maalmihii dagaalkana uu kala qeyb qaatay oo uu la joogay.
Hoggaamiyaha Xisbullaahi wuxuu farriin u diray dalalka Khaliijka, isagoo u sheegay in dagaalkii uu Gen, Suleymani la galay Daacish ee gudaha Syria iyo Ciraaq oo lagu jebiyey dartiis ay ku heystaan nabad iyo xasilooni ee dalalkaasi ay mar hore Daacish qabsan lahayd haddii aanay ka hortegin Jen. Suleymaani iyo Kacdoonka Shacabka ee Shiicda Ciraaq.
Jawaabta laga bixiyey dilkii Gen. Suleimani ee duqeynta ayuu sheegay inaya ahayd bilow, laakiin aanu aargoosiga noqon doonin mid hal mar ah, wuxuuna ballanqaaday in aargoosiga uu bilowday, isla markaana uu socon doono inta ciidamada Mareykanka laga saarayo Bariga Dhexe oo dhan.
Khudbadda Sheekh Xasan Nasrallah oo dheereyd wuxuu ku beeniyey in Jen. Qaasim Suleymani uu weerar ku ahaa Mareykanka iyo safaaradihiisa, wuxuuna ku tilmaamay Trump madaxeyweynihii ugu beenta badnaa ee Mareykanka soo mara.