Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mida Culimada waaweyn ee Soomaalida ayaa ka hadlay muran ka dhashay dooda ku saabsan Kaalinta Sodohda ee Qoyska.
Sheekha oo arrintan la weydiiyey ayaa sheegay in dadka arrintan ka hadlaya haddii ay yihiin Muslimiin isku guursaday diinta islaamka inay khalad tahay su’aal la iska weydiiyo in waalidka guriga loo ogolaanayo in in kale.
Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa sheegay in Ninka uu madax ka yahay Guriga, hooyadiisa iyo aabihiisa ay isaga leeyihiin oo aysan ogolaasho uga baahneyn guriga wiilkooda. Wuxuu intaas ku daray in waalidka ninka ay awood u leeyihiin inay furaan xaaska uu qabo wiilkooda.
“Waa Sharciga kufriga iyo Gaallada in ninka Hooyadii loo diido Guriga wiilkeeda.. Sidee baa guri loogu diidi ninkaada ciddii lahayd ee dhashay. Waa dhaqan lasoo min guuriyay oo aan ahayn kii islaamka iyo Soomaalida. Waalid baa ogolaansho weydiisanaya i dhaafi oo meel kale u kiree.. Naagta sidaa qabta Naag maaha, xaas maaha waa in la eryo oo la fiijiyo.. Ma Naag Caddaan ah baa.?. taasi Soomaali maaha..”. ayuu yiri Sheekh Umal.
Wuxuu sheekha sheegay in Telefishanka dooddaasi qabtay ay tahay in la weydiiyo cidda uu doodsiinayo inay Gaalo yihiin ama Muslimiin. Arrintanna ay tahay mid umaddo kale laga soo qaaday oo la dhex keenay dhalinyarradii Muslimka.
