Thursday, April 24, 2025

Sheekh Soomow oo wax ka bedelay Shir lagu taageerayay madaxweyne Farmaajo, baaq yaab lehna u diray

Sheekh C/qaadir Soomow oo ka mida Culimada magaalada Muqdisho ayaa wax ka bedelay shir ay soo abaabushay Madaxtooyada oo ka mid ahaa shirarka lagu taageerayo Madaxweyne Farmaajo, loogana horjeedo mooshinka.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Dallada Ururada Bulshada Rayidka EX Banaadir oo muddooyinkan aan shaqeyn ayaa waxaa ka qeybgalay Culumaa’udiin, Odayaasha dhaqanka, haweenka, Ra’iisal wasaarihii hore ee Cali Maxamed Geedi, La-taliyaha Madaxweynaha Sheekh Cali Wajiis iyo xubno kale, waxaana sacab, sawaxan iyo buuq ka dhacay goobta markii uu Sheekh Soomow Madaxweynaha u jeediyey inuu Baarlamaanka hortago.

“Waxaan Baarlamaanka ka rabnaa Mooshinku haddii uu yahay Mooshin jaban hanaga dhaafaan, mooshin aan sababeysneyn hadduu yahay oo shuruucda dalka ku fadhin hanaga dhaafaan, haddii uu dhameystiran yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka sida uu u rabo haloogu hoggaansamo, Madaxweynuhuna ha hortago Baarlamaaka, waxaa aaminsanahay shalay dadkii doortay berri waa dooranayaan Madaxweynaha ee ha u tago, shalay Ra’iisul Wasaaraha Britain Xisbigeeda ayaa mooshin laga keenay, Baarlamaanka ayey tagtay, waana guuleysatay, Madaxweynuhu hadduu Baarlamaanka tago waa guuleysanaa, shacabka Soomaaliyeed ayaa taageersan” ayuu yiri Sheekh Soomow.

Wuxuu soo jeediyey Sheekha inaan Khalad laga sameyn Madaxweynaha oo laga dhigin nin sharciga diidan oo Baarlamaanka duminaya, loona baahan yahay inuu ka gar baxo oo uu Baarlamaanka hortiisa tago.

“Yaan khalad la sameyn oo madaxweynaha nin sharciga diidan laga dhigin oo baarlamaanka duminaya yaa laga dhigin, aan ku dhiira gelino in Madaxweynaha baarlamanka tago, oo gar baxo baarlamaanow idinkana gardarro ha sameynina” ayuu yiri Sheekh Soomow oo mar kaliya jawiga goobta bedelay, sacab iyo sawaxan is qabsaday, iyadoo qaar kale ay hadalkiisa ka hor jeedeen.

Ad

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Xukuumadda inay ogolaato isla xisaabtanka, isla markaana aanay caburin Baarlamaanka, isagoo xusay in shalay Ra’iisul Wasaaraha uu caddeeyay in la xisaabtanka uu ogol yahay, lagana doonayo in taasi ogolaadaan.

Wuxuu ku baaqay in la joojiyo doorashada jujuubka ah ee K/Galbeed lana maqlo xildhibaannada kasoo jeeda K/Galbeed, isagoo intaas ku daray in ciidamadii itoobiya ee dilka ka geystay Baydhaba maxkamad la soo taago.

Kulamada ay madaxda dowladdu abaabulaan si taageero loogu muujiyo madaxweynaha ayaa qaarkood waxaa ka dhaca khaladaad, iyadoo ay ka qeyb galaan dad aan kaliya ahayn nacamleeyayaal.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON