Wednesday, February 19, 2025

Sheekh Soomow oo Wasiir Goodax ugu baaqay inuu Towbad Keeno. “Jahli ayuu ka hadlay, Jid xun ayuu furay..”

Sheekh C/qaadir Soomow oo ka mida Culimada magaalada Muqdisho ayaa eedeyn u jeediyey Sii-hayaha Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre, isagoo ka hor yimid natiijadii imtixaanka Dowladda ee Dugsiyada Sare, iyo hadal kasoo yeeray Wasiir Goodax.

Sheekh Soomow oo si toos ah u weerarray Wasiir Goodax , kuna eedeeyay inuu aflagaadeeyay ardayda ayaa sheegay in qaabka loo qaaday imtixaanka dowladda ee ardayda faraha badan ku dhaceen ay tahay mid aan la qaadan karin, wuxuuna Madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay inuu soo farageliyo arrintan oo dib loogu noqdo imtixaanka.

“Wasiir Goodax Jahli buu ku hadlay, Xukun baadil ah buu riday, aqoon la’aan Nabiga NNKH sharaftiisa, qiimahiisa iyo diintiisa aqoonin buu ku hadlay, wuxuu ku dhiiraday Axaadiista Nebiga, waxaana ugu baaqeynaa Alle u towbad keen, jidka aad furtayba waa jid xun…” ayuu yiri Sheekh Soomow oo ka hadlay War kasoo yeeray wasiir Goodax oo ahaa in cilmi baare Computer geliyay axaadiistii Nebiga NKKH uu soo saaray in cimrigiisa iyo tirada axaadiista aysan is keeni karin.

Ad

Sheekh Soomow oo ah wadaad si weyn muran u dhaliya ayaa marar hore muran diimeed la galay Culimo iyo siyaasiyiin, wuxuuna hadda codkiisa ku biiriyey qeylo-dhaanta ka daba yeereysa Wasiir Goodax ee ka dhalatay imtixaanka Dowladda ee dugsiyada sare 2019/2020.

HOOS KA DAAWO WAREYSIGA DALSAN TV

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON