Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ahna Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta ayaa soo dhoweeyay heshiiska laga gaaray in Muqdisho laga saaro ciidamada ka hor yimid muddo kororsiga.
“Waxaan soo dhaweynayaa heshiiska laga gaaray rabshadihii ka dhashay muddo kordhinta, anigoo codkayga ku biirinaya in ciidamada qalabka sida ee geesiyayaasha aan marna la siyaasadeyn oo ay ku laabtaan xarumahoodii” ayuu yiri Sheekh Shairif oo ka mid ahaa xubnihii ka qeyb galay munaasabad lagu shaaciyey heshiiska.
Wuxuu bogaadiyey dadaalada Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda, isagoo ka rajeeyay in heshiis laga gaaro Doorashooyinka, iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17 September.
“Waxaan ku celinaynaa markale in gacmaha la isku qabsado sidii looga gudbi lahaa marxaladdan adag ee kala guurka, iyadoo wax kasta lagu bixinayo dib uheshiisiin, isqancin iyo isku tanaasul. Waxaan u mahadcelinayaa guddiyadii kasoo shaqeeyey heshiiska iyo saraakiishii badbaadiyay dalka, maamulada xubnaha ka ah dowladda dhexe iyo sidoo kalena saaxiibada caalamka ee waqtiga ku bixiyay in lagu laabto heshiiskii 17 September 2020” ayuu farriintisa kusoo gabagabeeyay Sheekh Shariif.