Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa war kasoo saaray dagaalkii shalay ka dhacay degaanka Caws-weyne ee Gobolka Galgaduud oo qasaare culus ka dhashay.
Sheekh Shariif ayaa qoraal uu soo saaray tacsi ugu diray eheladii ay ka baxeen ciidankii ku geeriyooday weerarka, wuxuuna caafimaad u rajeeyay askarta weerarka ku dhaawacantay.
Wuxuu ku baaqay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo qaabkii loo maareeyay weerarkii Cowsweyne, isagoo ka dalbaday Guddiga difaaca ee Baarlamaanka in si gaar ah weerarkaasi baaris ugu sameeyaan.
”Waxaan ku baaqayaa in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo qaabkii loo maareeyey weerarkii argagaxisadu ku qaadday deegaanka Cowswayne, waxaan si gaar ah ugu baaqayaa guddiga difaaca ee BFS inuu baaris dhab ah ku sameeyo sidii weerarkaas ciidamada badan nooga baxeen u dhacay iyo saraakiishii u xil saarnayd aaggaas” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Sheekh Shariif.
Sheekh Shariif ayaa hadda ku biiray mucaaradka Madaxweyne Xasan Sheekh ee baraha bulshada sida tooska ah ugu naqdiya, iyadoo uu saacado gudahood mar kale ka hadlay arrnta xariga Jeneraal Sheegow.