Saturday, May 17, 2025

Sheekh Shariif oo si yaab leh u taageeray Rooble. “Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa Ra’iisul Wasaraha”

Gudoomiyaha Midowga Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa si aan la fileyn oo yaab le u taageeray Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Wuxuu Sheekh Shariif muujiyey inuu si buuxda u garab taahay yahay dadaalka uu wado Maxamed Xuseen Rooble ee arrimaha Doorashada, isla markaana uu kalsooni buuxda ku qabo, ayna tahay in la siiyo fursad, sida uu yiri

“Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa dadaalada socda ee xal u helidda arrimaha Doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, anigoo aaminsan in Ra’iisal Wasaaraha lasiiyo fursad uu ku guto mas’uuliyadda weyn ee laga sugayo ee ah qabashada doorasho xor iyo xalaal ah” ayuu yiri Sheekh Shariif oo qoraalkiisa lagu qoray Af-Ingiriis, isla markaana ay si weyn u faafiyeen warbaahintad owladda.

Ad

“Waxaan rajeynayaa kulanka 20ka bishan loo madlan yahay kaas oo looga hadlayo dhamaystirka heshiiskii doorasho ee 17 September inuu noqdo mid mira dhal ah oo guulaysta si dalku u galo marxalad doorasho oo nabdoon, raallina laga wada yahay taasoo fure u noqon doonta in lagu qanco natiijada Doorashada” ayuu qoralkiisa ku soo gabagabeeyay Sheekh Shariif.

Dhowaan ayey ahayd markii Midowga Musharixiinta qoraal ay soo saareen Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta shaki geliyeen inuu dhexdhexaad yahay.

May be an image of 1 person, standing and tree
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON