Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Shiikh Axmed ayaa goor cod gacantag ah kusoo baxay, isagoo ka mid noqday Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya.
Kursiga Sheekh Shariif kusoo baxay ee HOP146 ayaa loo xiray oo beeshiisa ay siisay, wuxuuna muddo dheer u xayirnaa muran ka taagnaa beelaha wadaaga kursiga.
Doorasho ka dhacday magaalada Jowhar ayaa cod gacantaag 101 ergo waxay ku ayideen inuu Sheekh Shariif, iyadoo uu hore kursiga HOP146 ugu fadhiyey wasiirka amniga Xukuumada xilgaarsiinta C/llaahi Maxamed Nuur.
Sharif Sheekh Ahmed ayaa saaka gaaray magaalada Jowhar, wuxuuna isla galabta ku guuleystay kursiga, iyadoo uu tartanka uga haray Musharax Shariif Abuukar Ahmed oo malxiis ahaan loo diyaariyey.