Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa mar kale ka hadlay dagaalka Alshabaab iyo khaladaadka dhacay ee keenay oo uu sheegay inaan laga aamusi karin.
Sheekh Shariif ayaa farriintan danbe soo saaray, kadib markii qoraal kooban oo hore uga so baxay kadib dagaalkii Cows-weyne aad loogu dhaliilay, ayna ka daba qaateen siyaasiyiin badan oo si buuxda u taageeray dagaalka iyo ciidamada dowladda.
“Mowqifkeena ku aaddan la dagaallanka cadowga waa mid soo jireen ah oo aan maranaba isbeddelin xilli kasta iyo marxalad walba, waxaana si buuxda u garab taagannahay dagaalka Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa deegaanka ay kula jiraan Khawaarijta”.” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Isagoo si cad uga hadlay xaaladda ciidamada xilligan ayuu dhaliil culus u diray hoggaanka dowladda iyo ciidamada ee xilligan, wuxuuna qoraakiisa ku yiri: “Qaladaadka jira ee sababay dhibaatada ku dhacday ciidanka qaarkiisa lagama aamusi karo, masuuliyadiisana waa in dadka ay quseeyso qaataan ama waa in ay la yimaadaan istiraatiijiyada iyo qorshe ka duwan midki hore. Geesiyaasha dhiigooda huray marna ma aqbalayno inay dayacmaan, cidna uguma heeybeeysaneeyno ina difaacno xuquuqdooda”.
Sheekh Shariif ayaa codsanaynaa inaan la marin habaabin dagaalka lagula jiro Argagaxisada, lana siyaasadayn, si masuuliyad ahna loo waajaho oo aan lagu mashquulin waxyaabo aan waxba ka so kordhineen. “Dagaal wuxuu u baahan yahay istiraatiijiyo cad, qorshe siyaasaded iyo xiriir caalami ah oo isgarab socdo, natiijadiisuna tahay dib u xoraynta dalka”.”.