Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa saaka dib ugu soo laabanaya magaalada Muqdisho, isagoo ka maqnaa muddo 4 sano ah.
Qabanqaabadii ugu danbeysay ayaa ka socota magaalada Muqdisho, waxaana isla xalay isbedel weyn ku dhacay magaalada oo sawirrada Sheekh Shariif lagu xardhay wadooyinka waaweyn ee Muqdisho.
Guri weyn oo magaalada Muqdisho looga diyaariyay Sheekh Shariif iyadoo ciidamo Soomaali ahioyo kuwa AMISOM ay la wareegi doonaan ammaankiisa.
Waxaa si weyn looga dareemay caasimadda imaanshaha Sheek Shariif, wuxuuna ilaa iyo hadda u muuqdaa musharaxa ugu culus ee wajihi doona Xasan Sheekh.
Taageerayaasha Sheekh Shariif ayaa kacsan kadib marki maamulka Garoonka Diyaaradaha uu xalay soo saaray amar saxifiyiinta looga mamnuucay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Sheekh Shariif ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqi doona inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, xilli loolanka doorashada madaxweynaha uu sii adkaanayo.
Goobjooge.com