Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa baaq hor leh kasoo saaray Dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood, wuxuuna ku tilmaamay nasiib darro weyn iyadoo weli aysan muuqan ififaalo nabadeed.
“Looma dulqaadan karo daadinta dhiigga Soomaaliyeed, waxa ka socda magaalada Laascaanood waxaa lagu sifayn karaa dambiyo ka dhan ah Bini’aadannimada, xad gudubna ku ah mucaahadaadka iyo xeerarka caalamiga ah”.” ayuu qoraalkiisa ku yiri Sheekh Shariif.
Si loo dabo qabto musiibada dagaalka Laascaanod wuxuu Sheekh Shariif soo jeediyey baaqa ah:
1- In sidegdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo xabadda.
2- In ciidanka laga dulqaado magaalada.
3- In Isimada, culimada iyo waxgaradka labada beelood ay kulan degdeg ah isugu yimaadaan.
4- In Dowladda Federaalka Soomaaliya ay adeegsato culays siyaasadeed iyo mid Diblimasi sidii nabad waarta loogu soo dabbaali lahaa colaadda dabo dheeraatay.
“Anigoo bogaadinaya dadaallada beesha caalamka ee ku wajahan daminta colaadda ka aloosan Laascaanood; hadana waxaan leeyahay waa in tallaabo sharci ah laga qaadaa cidda hurinaysa colaadda Laascaanood iyadoo la adeegsanayo fagaarayaasha caalamiga ah sida: The Arusha Tribunal iyo Maxkamadda dambiyada caalamiga (International Criminal Court) ayuu baaqiisa kusoo gabaabeey Sheekh Shariif.