Madaxweynihii hore ee dowladii KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed ayaa ku baaqay in sharciga la hor geeyo dambiilayaasha dagaallada beeleed ka wada Gobolka Sh/Dhexe.
Sheekh Shariif oo hadda ku sugan dalka Imaaraadka ayaa qoraal uu goor dhoweyd soo saaray tacsi ugu diray dadkii lagu laayay colaadda ka soo cusboonaatay deegaanno hoos taga degmada Cadalle ee gobolka Sh/dhexe.
“Waa wax aad looga xumaado in ay soo laabato colaadda u dhaxeysa dadka walaalaha, si adag ayaan u cambaaraynaynaa, waxaana ku baaqaynaa in deg deg loo joojiyo is dilka dadka ehelka ah. Waxaa nasiib darro wayn ah in maalin walba la dilo dad aan waxba galabsan lana daadiyo dhiigga qof muslim ah iyadoo dadaal lugu bixinaayay nabadda iyo dib u heshiisiinta loo fadhiyo muddada dheer si loo soo afjaro xaaladaha colaadeed”. ayuu qoraalkiisa ku yiri Sheekh Shariif.
Wuxuu dalbaday in awood sharci loo adeegsado dadka wada dagaalka.”Waxaan ku baaqaynaa in sharciga la hor geeyo dambiilayaasha iyadoo la tix gelinaayo baaqii Cadale ee 25-kii November 2022″.
Sheekh Shariif oo hoggaaminayay shirarkii ugu danbeeyay ee nabadeed ayaa sheegay inay laba jibbaari doonnaa dadaalladii ay horey u wadeen ee ahaa sidii xal waara looga gaari lahaa dagaal beeleedyada ku soo laa laabtay deegaanka.