Thursday, November 30, 2023

Sheekh Shariif oo Baaq degdega kasoo saaray Dagaalka ka dhacay Magaalada Baraawe

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, haddan ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa war kasoo saaray xaaladda magaalada Baraawe iyo dagaalkii dhowaan ka dhacay.

Qoraak oo uu saaray Sheekh Shariif ayaa tacsi loogu diray Ehellada Muwaadiniinta ku geeriyooday dagaalka magaalada Baraawe, isagoo intii ku dhaawacantay u rajeeyaycaafimaad degdega.

“Waa nasiib darro aad u wayn in ciidamada Xoogga dalka iyo Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ku dagaallamaan magaalada Baraawe oo cadowgu hareeraheeda joogo, shacabkiina ay ka qaxaan guryahoodii’.’ ayuu qoraalkiisa ku yiri Sheekh Shariif.

Ad

Wuxuu gu baaqay Dowladda Fedraalka iyo Dowladda Koonfur Galbeed inay si degdeg ah u xalliyaan xiisadda Magaalada Baraawe, isla markaanalabadan ciidan loo jiheeyo la dagaallanka argagaxisada Al-Shabaab. “Ma ahan wax la aqbali karo waana in laga hor tago in markale ay qaxaan Shacab Soomaaliyeed” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin dagaalka ka dhacay Magaalada Baraawe oo dhex maray ciidamada Milateriga iyo Daraawiishta K/Galbeed, waxaana maanta looga dooday kulankii Golaha Shacabka oo la filayo in Guddi loo saaro.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON