Wednesday, September 18, 2024

Sheekh Shariif oo abaabul ku bilaabay Xildhibaanada Labada Aqal ee Beesha Hawiye

Xildhibaanno u badan Mucaaradka ee kasoo jeeda Beesha Hawiye ayaa xalay kulan ku yeeshay Guriga madaxweynihii hore ee Shariif Sheekh Axmed, iyagoo uga hadlay xaalada dalka.

Kulankan oo ay ka dhex muuqdeen Madaxweynihii Hore Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed, Senator Cabdi Qeybdiid ayaa si gaara looga dooday dhibaatada Canshuurta ee la sheegay inay heystaan Ganacsatada iyo Shacabka Muqdisho.

Xildhibaannadan ayaa si weyn uga hadlay culeyska gaarka ah ee ay wajahayaan Dadka caasimada ee dhinacyada dowladda iyo Alshabaab iyo sidii ay isu abaabuli lahaayeen ka hortagga dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ad

Sheekh Shariif oo si weyn ugu kacsan dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadda bilaabay abaabulka xildhibaannada Beesha Hawiye, laakiin xubnaha kulanka ka qeyb galay ayaa tiradoodu ka yareyd 20.

Wararka laga helay kulanka ayaa sheegaya in la isku raacay in marka hore la dhageysto cabashooyinka bulshada Muqdisho, mana jirin wax lagu heshiiyay ama qoddobo laga soo saaray kulanka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON