Saturday, January 25, 2025

Sheekh Shariif: “Mowqifkeyga Muddo kororsiga waa meeshii aan Shalay uga dignay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo dadaal kasta oo lagu bixinayo ka hortagga muddo kordhinta sharci-darrada ah ee ay wadaan labada Aqal ee Baarlamaanka.

Sheekh Shariif oo ka mid ahaa siyaasiyiin xalay soo saaray qoraal ay ku diidan yihiin Qorshaha muddo kororsiga ee ay xilligan wadaan xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ayaa sheegay in qoraalka xalay soo baxay aan looga tashan sidii loo baahnaa.

“Waxaan aminsanahay in dalku u baahan yahay dadaal wadareed lagu ilaaliyo ku dhaqanka Dastuurka, sidaas darteed waxaan soo dhawaynayaa cid kasta oo dadaal ku bixinayso ka hor tagga muddo kordhinta sharci darrada ah. Mowqifkeyga waa meeshi shalay aan uga dignay, dadaal kasta oo lagu joojinayo waa soo dhaweenaynaa”.” ayuu yiri Sheekh Shariif

Ad

Wuxuu xildhbaan Sheekh Shariif ugu baaqay Baarlamaanka Umadda Soomaaliyeed inuu qaato mowqif sharafeed, dalkana ka badbaadiyaan Jahwareer Siyaasadeed iyo Xasilooni darro Amni.

“Waxaan kale oo aan caddaynayaa baaq wadareedka soo baxay xalay in uusan soo marin wada tashigi loo baahna”.” ayuu qoraalkiisa oo ka daba-tag ahaa kusoo gabagabeeyay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON