Madixii hore ee xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa soo saaray war-saxaafadeed xambaarsan xaalad cusub, kadib markii ay madaxda Ahlu suna ku dhawaaqeen inay siyaasadda ka baxeen.
Qoraal kasoo baxay Sheekh Shaakir oo lagu faafiyey bartiisa FB ayaa waxaa lagu sheegay xilka Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu faahfaahiyey dagaalkii ka dhacay xerada INJI ee fadhiga madaxda Ahlu suna iyo sidii ay wax u dhaceen, iyadoo loogu baaqay xooggaga Ahlu suna inay u diyaar garoobaan la-dagaalanka Alshabaab.
Qoraalka oo lagu soo gabagabeeyay 8 qodob ayaa lagu sheegay in cid kasta oo u fekereysa in Ahlu suna ay ka tirtirto Gobollada Dhexe ama Soomaaliya ay ku hungoobi doonto sida Alshabaab.
Arrintan ayaan la ogeyn ujeedka ka dambeeya iyadoo madaxda Ahlu suna ku sugan yihiin magaalada Garowe, waxaana hore u soo baxay warar sheegaya in Puntland ay dib u abaabuleyso Ahlu suna.
HOOS KA AKHRISO

