Sheekh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) ayaa shaaca ka qaaday inuu u taagan yahay xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, isagoo xildhibannada Baarlamaanka maamulkaasi weydiistay inay codkooda siiyaan.
Sheekh Roobow oo ka hadlayey xaflad lagu taageerayo musharaxnimadiisa oo ka dhacday magaalada Baydhaba ayaa sheegay inuu wax weyn ka qaban doono dhibaatooyinka dhinaca amniga u badan haddii xilka loo doorto.
Wuxuu u mahadceliyey dadweynaha K/Galbeed ee sida weyn u soo dhoweeyay musharaxnimadiisa, wuxuuna dadkii xafladda lagu taageerayey musharaxnimadiisa oo dhoobnaa bannaanka hotelka, kuna sugna hotelka u sheegay inuu diyaar u yahay hoggaanka maamulka K/Galbeed.
Dhinaca kale xildhibaano iyo siyaasiyiin ka hadlay xafladda ayaa si weyn u dhaliiyay madaxda dowladda Soomaalia iyo wasiirka Amniga oo isku dayey inay musharxnimadiisa hor istaagaan.