Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu-mansuur) oo ka mid ahaa madaxdii Alshabaab, isuna dhiibay dowladda Soomaaliya ayaa maanta tegay magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.
Sheekh Roobow ayaa waxaa la socda Xildhibaano, Saraakiil iyo xubno uu ka mid yahay Wasiirkii hore Difaaca Soomaaliya C/rashiid C/llaahi, waxaana Garoonka diyaaradaha ee magaalada Xudur kusoo dhaweeyay madaxda maamulka Koonfur Galbeed ee Gobolka Bakool iyo saraakiisha ciidamada.
Socdaalka Abuu Mansuur oo aan hore loo sii shaacin ayaa wararku sheegayaan inuu qeyb ka yahay dadaalka lagu doonayo in dagaal wadajir ah lagu qaado kooxda Alshabaab, waxayna kulamo la yeelan doonaan saraakiisha iyo madaxda K/Galbeed, isagoo sidoo kale u tegi doona maleeshiyada taabacsan.