Sheekh Maxamed Ibraahim Kenyaawi ayaa galabta ka qeyb galay kulan ay lahaayeen xisbiga UPD oo uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.
Sheekh Kenyaawi ayaa ka qeyb galay xaflad ay dhalinyaro la sheegay inay xisbiga UPD ku biireen, waxaana halkaasi ku sugnaa madaxda xisbiga sida Xasan Sheekh, Axmed Macalin Fiqi iyo C/raxman Odowaa, isagoo khudbad u jeediyey dhalinyarradaasi.
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inay si weyn ugu mahad celinayan Sheekh Kenyaawi, wuxuuna intaas raaciyey inuu wado barnaamijka wanaagsan.
Ad
- Advertisement -
Warar Xul ah