Sheekha Alshabaab u qaabilsan waciy-gelinta iyo tashkiilinta Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf (Shongole) ayaa tegay Gobolka Bakool ee xuduudka la leh dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, isagoo ciidamada Alshabaab ku boorinaya inay dagaalka sii wadaan.
“4 maalmood ka hor ayey ahayd markii loo dhaqaaqay Yeed iyo Caato, kadibna Alle ayaa naga guuleeyay. 25 daqiiqo ayaa lagu qabtay Yeed iyo Caato. Dagaalka aan galnay Gaaladii oo dhan ayaa qeylisay, murtadiintii ayaa qeylisay, annagu dan kama lihin…” ayuu yiri Sheekh Fu’aad Shongole
Khudbadda guubaabada ah ee Sheekh Shongole u jeediyey Maleeshiyada Alshabaab ayuu kusoo qaatay dagaaladii uu Rasuulka SCW ku qaaday gaaladii Qureysh, wuxuuna dagaalamayaasha Alshabaab ka dalbaday inay sii xoojiyaan dagaalka.
WUxuu digniin u diray Ciidamada Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ee Liyuu Booliska, isagoo sheegay inay ka shallayn doonaan xasuuqa iyo xadgudubyada ay ku hayaan dadka muslimiinta.
Alshabaab ayaa dhowaan weerarro qorsheysan ku gashay Gudaha dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyagoo wata Gaadiid fara badan oo kuwa dagaalka ah, waxaana weli socda dagaallada ay uga gudbayaan maleeshiya Alshabaab Gobollada Bakool iyo Hiiraan.
