Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in eedeynta ka timid Sheekh C/qaadir Soomow ee uu kula kacay Sheekha weyn ee Soomaaliyeed Sheekh Maxamed Cabdi Umal ay dhammaan yihiin been abuur aana waxba ka jirin.
Sheekh Cali Wajiis iyo Sheekh Bashiir Maxamed Salaad waxay sheegeen in Sheekh Maxamed Umal uu yahay Sheekh caalim ah oo umadda wada taqaan, isla markaana la wada ogyahay meesha uu taagan yahay qolyaha dagaallada ka wada Soomaaliya ayna duuban yihiin dhammaan mowqifyadiisii ku saabsanaa kooxaha argagixisada ah.
Sheekh Soomow oo ka mid ahaa Hay’adda Culimada ayaa lagu eedeeyay inuu keligiis ku dhaqaaqay arrin uusan ka fiirsan, isagoo galay khaladaad fara badan oo aan ku wanagsaneyn qof culimo ah inuu ku kaco, wuxuuna Sheekh Cali Wajiis sheegay inuu la xiriiray Sheekh Soomow oo uu ka waayey caddeyn, kana dalbaday inuu ka noqdo wararka been abuurka ah, laakiin uu telefoonka ku damiyey.