Sheekh Cali Maxamuud Wajiis ayaa jawaab degdega oo ka bixiyay qoraal weerar ah oo uga yimid Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame, kaasoo ku saabsan dhulka Qabuuraha Dugsiga Booliska iyo War uu Sheekha ka sheegay guddoomiyihii hore ee Gobolka Banadir C/raxmaan Yariisow.
Sheekh Cali Wajiis ayaa qoraalkiisa jawaabka ah ku difaacay Marxuum Yariisow, wuxuuna C/raxmaan C/shakuur ku eedeeyay inuu saaxiib la yahay dhinacyo ka horjeeda dowlad dhiska Soomaaliya oo aanu magacaabin.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA SHEEKHA
Ma rabo inaan la tirsado C/RAXMAAN AbdiShakurur dhowr sababood dartood:
1- Guddoomiye C/rahman Yariisow AUN, Annagu Ka culuma ahaan waxaan ku Amaaneynaa inow Culumadii la tashaday qaatayna Taladoodii waana Sharaf iyo amaan.
2- Gudd. Yariisow AUN annaga asagaa Nasoo weydiiyay Su,aasha lkn Dabcan Dowlad ayuu xubin ka ahaay ee wax shakhsiya ma uusan sameyneyn.
3- Mr. C/raxmaan C/shakuur Warsame Markow badda Somaaliya Saxiixaayay wexey eheed inow Culumada la tashado si loogu sheego ineysan banaaneyn lkn waa ka ilduufyay mudanuhu waxaasa ka dabategay Dowladii ka danbeysay oo Md. Xasan Sheekh hoggaaminaayay oo Maxkamada caalamigaa geysay Malafkii.
4- CCW waxaan ugu Cudurdaareynaa inuu saaxiiba la yahay Sida muuqata dhinacyo badan oo Mashruuca Dowlad dhiska Soomaaliya iyo Heshiiska Taariikhigaa ee Somaliya iyo Turkiga dhibsanaya.
5- Ugu danbeyn waxaan Mudanaha kula Talinaayaa inow Markaan bedelo Siyaasadii uu ku cireystay ee madhaleeska ehayd oo ah “dowlad kastaba dagaal ula taagnaaw ama u Turjimneed: Cadkaanoow walee ama ku Cunay ama ku ciideeyay
Mudanaha Salaan qaaliya heyga Gudoomo.