Sheekh Cali Wajiis oo ka mida culimada waaweyn ee dalka ayaa beeniyey war laga faafiyey oo ku saabsan cudurka Coronavirus iyo in lagu kala cararray hotelka uu degan yahay ee magaalada Muqdisho.
Sheekha oo qoraal caddeyn ah soo dhigay bartiisa ayaa sheegay inuu caafimaad qabo, isla markaana ay been tahay waxa laga qoray Hotelka Dayax ee magaalada Muqdisho, wuxuuna shaaciyey qofka warka beenta ah ka faafiyey.
“ASC.. ummada Soomaaliyeed ee muslimka waxaan u sheegayaa in Warka beentaa ee laga qoray Dayax hotel ee uu faafiyay Cali Aadan muumin ee ah in hotelka lagu kala cararay dad degan oo sheekh caana ku jirana looga shakiyay Corona.. waxaan cadeynayaa in marka hore anigu aan caafimaad qabo 100% xataa hargab ima haayo oo 2-isbuuc ka hor ayuu maalin i qabtay waana ka bogsaday hotelkana wax dhiba kama jiro waana camiran yahay marka wararka dacaayadahaa ee la wareejinaayo halaga fiirsado…” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.