Allaha u naxariistee Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Muxudiin Celi oo ahaa Sheekh caan ah ayaa ku geeriyooday magaalada Gothenburg ee dalka Sweden.
Sheekha ayaa kasoo jeeda Qoys Diinta lagu qadariyo, ayaa waxaa dhalay Sheekh Muxyadiin Celi oo si weyn looga yaqaan Koofurta Soomaaliya, waxaana geeridiisa ay timid markii uu muddo bil ah u xanuunsanaa Cudurka Covid-19.
Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Muxudiin Celi ayaa ahaa Sheekh, Macalim, Imaam iyo nin ku firfircoon arrimaha bulshada, wuxuuna qeyb weyn ku lahaa faafinta diinta, isagoo xubin firfircoon ka ahaa Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Sweden.
Sheekha ayaa ahaa 51 sano jir, sida ay sheegtay walaashiis, wuxuuna aabihiis geeriyooday isagoo 10 sano jir ah, iyadoo ay hooyadiis soo korisay, wuxuu ka mid ahaa dhalinyarradii hanaqaaday 1990-kii, laakiin wuxuu ku guuleystay inuu si wanaagsan wax u barto, siiba diinta islaamka, isagoo ka dhex muuqday culimada Ahlu suna Waljamaaca.
Wiil uu dhalay oo 16 sano jir ahaa, laguna magacaabi jiray Ilyaas C/raxmaan ayaa lagu dilay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden, waxaana dilkaasi uu Sheekha ku reebay murugo, balse wuxuu Soomaalida dalkaasi ugu duceeyay inuu wiilkiisa noqdo midkii ugu danbeeyay ee dhiiggiisa la daadiyo, isagoo cafiyey dadkii dilkiisa geystay.
“Ilyaas qof ka dambeyso oo loo dilayo ma jirto, aniga oo toogan meel ay joogsadaan dad wax dhalay dan ugu adag waxa aan cafiyay dadkii dilka u geystay wiilkeyga, farriintii aad ii dhiibtay wiilkeygiyow ee ahayd dhiiggeyga ha u dambeeyo dhiig wiil dhalinyaro ama Gabar dhalinyaro ah Xaqdaro lagu daadsho ha u dambeeyo waan fuliyay, waana gaarsiinayaa dadka” ayuu yiri Sheekh C/raxmaan Sheekh Muxudiin Celi oo aaska wiilkiisa ka hadlayey bishii March 2020.
Warbaahinta Sweden ayaa xaaska Sheekha (Hiba Ismaaciil) kasoo xigatay inay xilli danbe isbitaal la geeyay si looga daweeyo cudurka Coronavirus ee ku dhacay, balse ay qadarta Alle keentay inuu u geeriyoodo
Allaha u naxariisto, qoyskiisana samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.