Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa codsi ka jeediyey Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo dalbaday in Guddi loo saaro baaritaanka Kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneyd hay’adda NISA oo muddo sanad ah la la’ yahay.
Xildhibana Jeesow oo dalbaday inuu Baarlamaanka ka hadlo ayaa u sheegay xildhibaannada in kiiska Ikraan Tahliil oo uu Baarlamaanka ku metelo uu noqday mid la isku tuurtuuro, ayna doonayaan in cadaalad loo helo oo Barlamaanku kaalin ka qaato baaritaanka.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa codsiga Xildhibaan Jeesow la tixgelinayo, ayna guddi u saari doonaan kiiska Ikraan Tahliil, Baarlamaankuna ka hadli doono.
Arrintan aya timid kadib markii agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin uu dilkeeda ku eedeeyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Ra’iisal wasaare Rooble, agaasimaha NISA Mahad Salaad iyo wasiir ku xigeenka warfaafinta C/raxmaan Al-cadaala.