Thursday, April 24, 2025

Sheegow Cali Axmed oo isagoo Maxbuus ah ku geeriyooday magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu goor dhoweyd ku geeriyooday Sheegow Axmed Cali oo loo yaqaano Jeneraal Sheegow, kaasoo u xirnaa dowladda.

Marxuumka ayaa maalmihii ugu danbeeyay ku isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, iyadoo halkaas loo geeyay markii uu ku xanuunsaday Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, iyadoo markii danbe uu maqribnimadii caawa uu ku geeriyooday.

Ehelkiisa ayaa dowladda ku eedeeyay dayacaad iyo cadaalad darro lagula kacay Sheegow inay keentay geeridiisa. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku saabsan Geerida Sheegow Cali Axmed.

Ad

Maxkamadda ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Sheegow Cali Axmed bishii Nofembar 2023 ku xukuntay 10 sano oo xabsi ciidan ah iyo bixinta diyo askari la sheegay inuu dilay.

Waxaa kaloo Sheegow lala xukumay ciidan ka amar qaata oo lagu qaaday dil iyo xabsi, ka dib markii ciidankaasi iyo ciidanka dawladda uu dagaal ku dhex maray magaalada Muqdisho Agoosto 2023, kaasoo lagu soo qabtay Sheegow.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON