Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, ahna Musharax Madaxweyne Shariif Xassan Sheekh Aadan, ayaa saakay laga hor istaagay inuu u safro Magaalada Baydhabo.
Maamulka C/casiis Lafta-gareen ee Koonfur Galbeed ayaa Shariif Xassan u diiday inuu yimaado magaalada Baydhaba, iyadoo ku armay diyaaradaha taga magaalada Baydhaba inaysan soo qaadi karin Shariifka.
Shariif Xasan ayaa u socday Doorashada kursiga xildhibaan ee Beeshiisa oo uu hore ugu fadhiyey wiil uu dhalay oo lagu magacaabo C/qaadir Shariif, balse Madaxweynaha K/Galbeed ayaa bixiyey amarka ah inuusan soo geli karin Magaalada Baydhaba.
Lafta-gareen wuxuu hore uga hor istaagay guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee Baarlamaanka 10-aad C/weli Muudey inuu Baraawe u tago Doorashada kursigii uu ku fadhiyay, iyadoo marmarsiiyo looga dhigay inuu wato ilaalo fara badan.
