Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Sooomaaliya ayaa la sheegay inuu ku dhawaaqayo musharaxnimadiisa xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa laga soo xigtay siyaasiyiinta ku dhow inuu go’aansaday inuu galo tartanka Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo xaalada kursiga Villa Soomaaliya sii gelinaya mudgi.
Qorshaha Shariifka ayaa ah mid cusub oo uu ku doonayo in beesha Digil iyo Mirifle ay hanato mid ka mida xilalka Madaxweynaha ama Ra’iisal wasaaraha. Qorshahan oo Shariifka u shaqeyn waayay Doorashadii 2012.
Magaalada Baydhaba ayaa noqotay goobta ugu badan ee lagu dooranayo xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, taasoo rajo gelisay Shariif Xasan.
Madaxweynaha xilka ka dhammaaday ee Xasan Sheekh ayaa ku fashilmay inuu taageero ka helo Shariif Xasan oo shuruud uga dhigay inuu isbaheysi siyaasadeed la galo, taasoo keentay inuu candhuuftiisa dib u liqo.
Lama oga inuu ololaha cusub ee Shariif Xasan guuleysan doono, laakiin waa  isku day mudan tijaabo kale, iyadoo beelaha Hawiye iyo Daarood oo kaliya ay ku loolamaan xilalka madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.
Goobjooge.com