Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa codkiisa ku biiriyay baaqyada loo dirayo maamulada Puntland iyo Galmudug ee lagu dalbanayo in lagu joojiyo dagaalka Gaalkacyo.
Shariif Sheekh Axmed oo hadda ah musharax Xilka Madaxweyne Soomaaliya ayaa baaqiisa sii mariyay Tv-ga Kalsan, wuxuuna ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka Gaalkacyo, islamarkaana laga wadahadlo wixii la kala tabanayo.

“Waa Nasiib xumo in wiil Soomaaliyeed uu ku dhinto macne darro, waxaan ku baaqayaa in la joojiyo Dagaalka ”ayuu yiri Sheekh Shariif oo labada maamul ugu yeeray inay baajiyaan dhiig kale oo ku daata Gaalkacyo.
Goobjooge.com