Tuesday, March 25, 2025

Shaqsiyaad & Shirkado Ruush ah oo lagu eedeeyay inay faragelin ku sameeyeen Doorashadii Mareykanka 2016

Guddiga madaxa bannaan ee baaraya faragelinta Ruuushku ku sameeyay doorashadii Mareykanka ayaa si rasmi ah u soo eedeeyay12 qof iyo saddex shirkadood oo Ruush ah, kuwaasoo marin habaabiyey doorashadii 2016 ee Mareykanka.

Madaxa baaritaanada farogelinta la sheegay in Ruushka uu ku sameeyay doorashadii ka dhacday Mareykanka, Robert Mueller ayaa  soo eedeyay shaqsiyaad iyo shirkado Ruush ah ku eedeyay inay ku lug lahaayeen farogelinta Ruushka uu ku sameeyay doorashadii ka Mareykanka.

Sidoo kale dhowr shirkadood oo laga leeyahay dalka Ruushka ayaa iyaguna lagu eedeyay inay qeyb ka ahayeen farogelinta Ruushka, waxaana shirkadahaasi kamid ah wakaaladda cilmibaarista internet-ka ee fadhigeedu yahay magaalada St Petersburg ee Ruushka.

Ad

Qoraal eedeyn ah oo ka kooban 37 bog ayaa lagu faahfaahiyey sidii shaqsiyaadka Ruushka ay Mareykanka gudihiisa uga fuliyeen olole doorasho oo ay ku iibsadeen iidheh baraha bulshada iyagoo iska dhigay muwaadiniin Mareykan ah, waxayna taageerayeen musharaxa Donald Trump, iyadoo magaca ka dilay Hillary Clinton.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa dhankiisa beeniyay inuu wax xiriir ah ka dhaxeeyay kooxdiisii ololaha doorashada iyo Ruushka, balse waxaa Trump soo dhaweeyay eedaha dambi ee uu Robert Mueller usoo jeediyay muwaadiniin Ruush ah.

Dacwad oogayaasha ayaa intaa ku daray in faragelinta oo bilaabatay bishii May ee sannadkii 2014 lagu doonayay in lagu waxyeeleeyo nidaamka siyaasadeed ee waddanka Mareykanka.

- Advertisement -

Mr Trump ayaa waxaa kale oo uu sheegay in faragelintaasi aysan wax saameyn ah ku yeelan doorashada. Baaritaanka ayaa bilow ah, waxaana hadda meesha ka baxday doodii Trump ee ahayd in arrintan oo dhan ay ahayd mid khiyaali ah, isagoo hadda difaac ku jira.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON