Monday, February 10, 2025

Shaqaalaha Dowladda Hoose ee xarunta G/Banadir oo Baaritaan Shaqsi ah & Hubin Amni lagu sameeyay

Waxaa lasoo gabagabeeyay wejigii koowaad ee Baaritaan iyo Hubin Amni oo lagu sameynayo shaqaalaha Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, kadib weerarkii ay July 2019 Alshabaab ka fulisay xaruntaasi oo ay ku dhinteen xubno uu ka mid yahay Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir C/raxmaan Yariisow.

Howshan oo uu dalbaday Guddoomiyaha Cusub ee G/Banaadir ayaa maanta la bandhigay natiijada ka soo baxday baaritaanka shaqsi iyo dib u habinta (Security–Vetting) lagu sameeyay dhammaan shaqaalaha Maamulka Gobalka Banaadir iyo dowladda Hoose ee Xamar oo la sheegay in mid kasta laga qoray macluumaad buuxa iyo wakiil damaanad qaada.

Dib u habeynta Ami ee lagu sameeyay dhammaan shaqaalaha Maamulka Gobalka Banaadir iyo dowladda Hoose ee Xamar oo ahayd tii ugu horreysay ee nooceeda ah ayaa timid kadib weerarkii laga dhex fuliyey gudaha xarunta oo lagu dilay agaasimeyaal, mas’uuliyiin iyo guddoomiyihii Gobolka, iyadoo dhowaan Alshabaabnimo xabsi loogu xukumay agaasime ka trisanaa maamulka G/Banaadir.

Ad

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa soo dhoweeyay arrinntan isagoo dalbaday in dib u habeyntan shaqaalaha lagu sameeyay ay u gudubto wajiga labaad (Phase-2).

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ballan qaaday in dib u habeynta shaqaalaha lagu sameeyay ay noqon doonto mid joogto ah si loo xaqjiiyo Amniga xarumaha Maamulka Gobalka Banaadir.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON