Falastiiniyiinta ku nool marinka Gaza ee ay go’doominta ku heyso Yuhuudda ayaa aas u sameeyay nin soo jiitay qalbiyada dadka muslimka ah oo lagu magacaabi jiray Ibraahiim Abuu Tharyaa.
Shahiiidkan ayaa hore curyaan ugu noqday weerar dhinaca cirka ah oo diyaaradaha dagaalka Yuhuudda ku qaadeen Gaza bishii April 2008, markaasoo uu labadiisa lugood ku waayay, markaas kadibna wuxuu ahaa qof lagu wado gaariga dadka naafada ah ay isticmaalaan.
Xaaladaas uu ku sugnaa Ibraahiim Abuu Tharyaa oo ahaa 29 sano jir, taasina kama reebin inuu sii wado halganka uu kula jiray Yuhuudda, wuxuuna qeyb ka ahaa dada bannaabaxyada ka wada marinka Gaza, waxaana Jimcihii Ciidamada Israa’iil ay ku dileen barta Goor markii ay rasaas madaxa kala heleen.
Geerida Ibraahiim Abuu Tharyaa ayaa dhalisay in si weyn ay ula xanuunsadaan dadka reer Falasatiin, carabta iyo muslimiinta dunida, waxaana janaasadiisa ka qeyb galay kumnaan qof oo sagootiyey shahiidka oo ereyadiisii ugu danbeeyay ay ka mid ahaayeen: “Dhulkan anagaa iskaleh, isma dhiibeyno, Mareykanku waa inuu ka noqdaa go’aankii Qudus…”
MUUQAAL IYO SAWIRRO
https://youtu.be/8HdWpfX97vY