Dib u dhac lama filaan ah ayaa ku yimid munaasabad Galabta lagu shaacin lahaa Golaha Wasiirada cusub ee xukuumada Federaalka Soomaaliya, kadib arrimo la sheegay inay soo dhex galeen.
Wararka laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in ka hor shaacintii Wasiirada uu kulan gaara u bilowday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal wasaare, kaasoo qaatay saacado badan, sidaasina dib u dhaca ku yimid.
Xogta la helayo ayaa sheegeysa in sababta keentay dib u dhaca ku dhawaaqista Golaha Wasiirada ay tahay iyadoo go’aankii ugu danbeeyay laga gaarayo xilka Ra’iisal wasaare ku xigeenka iyo wasiirka Difaaca.
Labada qof ee xilka Ra’iisal wasaare ku xigeenka marba qof lagu qoray ayaa kal ah: maamulihii hore ee Dahabshiil, Qeybta Koonfurta Soomaaliya Xasan Cawad iyo Xildhibaan Biixi Iimaan Cige oo markii ugu danbeeyay kusoo baxay Liiska Golaha Wasiirada Ra’iisal wasare Xamza.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in xilka Ra’iisal wasaare ku xigeenka loo qaatay wasiirkii hore ee cadaaladda Saalax Axmed Jaamac, kadib dood adag oo ka dhalatay labadii musharrax ee hore.
Waxaa hore loo xaliyey xil wasiir oo ay leedahay beesha uu kasoo jeedo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka sare, waxaana markii ugu danbeysay taagnaa arrinta Ra’iisal wasaare ku xigeenka oo uu talo ku leeyahay Guddoomiyaha Aqalka Sare.

