Madaxweynihii hore ee Somaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay xariga Sheegow Axmed Cali oo ciidamada dolwadda ku xireen dagaal uu galay iyo dhibaatooyin soo wajahay Beesha uu kasoo jeeda ee Jareer.
“Waxaan aad uga walwalsanhay qadiyadda Beesha Jareer Weyne iyo kiiska Janaral Sheegow siday isku dhaxgaleen. Janaraalka Dambi wuu gali karaa waa insaan laakin habka so xiristiisa uma muuqanin hab ka fiirsasho leh! Taas waxay sababtay khatar xooggan iyo inay kiciso caadifadda beesha oo idil”.” ayuu yiri Shekh Shariif oo qoraal kasoo saaray arrintan.
Odayaasha iyo waxgaradka beesha Jareer weyne ayuu shegay inay la xariireen, una sheegeen cadaadis lagu hayo. “Waxay ii sheegeen inaysan isku imaan karin, gaari raaci karin xitaa aroos dhigan karin oo Askarta dowladda kala dirayso si faquuq lehna ula dhaqmaayan! Loona diidan yahay xuquuqdooda asaasiga ah ee muwaadinnimo.”
Sheekh Shariif ayaa sheegay in cabashada Beesha Jareerweyne ay ku dhalisay welwel xooggan, ayna dhaawac wayn ku tahay wadajirka bulshada Soomaaliyeed, sila markaana uu rajaynayo in fiiro gaar ah loo yeelan doono.