Wednesday, July 17, 2024

Sh. Aadan Madoobe oo digniin culus u diray Xildhibaannada iyo fadhigii Baarlamaanka oo..

Fadhigii koowaad ee kalfdhiga shanaad Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta baaqday, kadib markii la waayey kooramii uu ku furmi lahaa kulanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay inuu kulanku u baaqday kooram la’aan, wuxuuna ku eedeeyay in xildhibaanno jooga gudaha Muqdisho aysan soo xaadirin kulanka, qaarka ay weli dibadda ku maqan yihiin.

Sheekh Aadan Madooobe ayaau gu hanjabay xildhibaannada ka maqnaada kulamada Baarlamaanka in lala xisaabtami doono, laguna qaadi doono Xeerka Golaha Shacabka, kulanka soo socdana la yeerin doono magacyada xildhibaannada maqnaada.

Ad

Guddoomiyaha wuxuu ceeb ku tilmaamay in kulamadii Baarlamaanka kooram la’aan noqdaan iyadoo 3 bilood ay fasax ku maqnaayeen, isla markaana ajandooyin iyo howlo badan ay horyaallaan Baarlamaanka.

Arrintan ayaa timid iyadoo xildhibaannada mucaaradka ay dhowaan Sheekh Aadan Madoobe ugu hanjabeen inay fadhiyada Baarlamaanka xiri doonaan haddii uu ku socdo inuu ku shaqeeyo qorshaha Madaxtooyada iyo Xukuumadda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON