Senator Maxamed-Amiin Sheekh Cusmaan oo ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA uu ka socdo xadgudub lagu beegsanayo dad gaar ah.
Senator-ka oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Aqalka sare ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri: “Waxaan dhowaanahan soo baxayay xadgudub lagu beegsanayo dad gaar ah, oo ka tirsan hay’adaha amniga dalka qaarkood gaar ahaan Hay’ada nabadasugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA xiliyadaan dambe, gaar ahaan markii uu qabtay hoggaanka hay’adaasi Fahad Yaasiin”
Wuxuu xusay in jiritaanka Hay’ada NISA asal ahaan aan lagu dhisin sifo sharci ah, Baarlamaan ansixiyayna aanu jirin, markii la dhisayay xilligii dowladdii Milateriga ahayd.
“Waxaa dhawaanahan socday falal isugu jira ruqseyn, shaqo ka eryid oo aan loo marin sifo sharci, iyo sida oo kale qorista ciidan dharcad ah oo cusub, kaasoo laga qaadanayo dad gaar ah lagana ilaalinayo kuwa kale, taasoo abuuri karto mustaqbalka caqabado waa weyn. Sidaas darteed waxaa ka digeynaa ku tagri falka awooddeedkaas ha ahaado caga jugleyn ama ruqseyn saraakiisha loo arkay in ay la jaan qaadi waayeen aragtiyada qaar guracan ee madaxdooda..” ayuu qoraalkiisa ku yiri Senaror Maxamed-Amiin.
Senatorka- ayaa ka digay wixii cawaaqib xumo ee arrimahan ka yimaada inuu mas’uuliyadeeda qaadi doono Madaxweynaha dalka oo ah Taliyaha Guud ee Ciidanka Qalabka Sida