Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka mida Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa faahfaahin ka bixiyey xaaladda Gobollada Bay iyo Bakool oo magaalooyin badan ay muddo 8 sano ah go’doon ku jiraan.
Go’doonka gobollada K/Galbeed ayuu sheegay inay sii xoogeysatay intii ay jirtay dowladda Federaalka iyo gaar ahaan billihii ugu danbeeyay, iyadoo ciidamadii dowladda degaanadaasi ku sugnaa intooda badan laga qaaday, isla markaana gaadiidka xamuulka lagu gubo marka ay gaaraan duleedka magaalooyinkaasi.
“Dadka K/Galbeed waxay is weydiinayaan: Ciidamada qaranka ee maalin walba loo daabulayo goobo ay dorasho ka socoto, maxaa loogu badbaadin waayey nolosha dadka Soomaliyeed ee halista ku jira.. mise kursiga ayaa ka muhiimsan dadkaasi..?” ayuu si weydiiyay Senator Xuseen Sheekh oo farriin u diray Madaxweyne Farmaajo.
“Yaa naga jaahil bixin kara inay dowladda Hal Milyan oo doolar maalmo ku gaarsiisay magaalo waxyeelo kasoo gaartay Roob, balse aysan dowladda dan ka gelin nolosha magaalooyin dhan oo dadka noloshooda ciriiri ku jirto… Madaxweyne Farmaajo waxay dadka degaanka K/Galbeed is weydiinayaan inaadan u u cadaalad falin, waxay arkayaan dadaalka dheeraadka ah ee aad gelineyso degaanka aad kasoo jeedo ee Gobolka Gedo..” ayuu yiri Senatoorka oo hadalkiisa kusoo beegmay iyadoo gaadiid fara badan oo isaga goosha Muqdisho iyo Gobollada Koonfura ku xayiran yihiin Afgooye.
HOOS KA DAAWO