Saturday, April 26, 2025

Senator ka tirsan Aqalka Sare oo Garowe ka sheegay inuu ‘kacdoon’ soo wajahay dowlada Somalia

Senator Mahdi Daahir Sheikh Nuur oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa magaalada Garowe ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay xilligan wajaheyso kacdoon siyaasi ah oo lugaha la galay shacabka magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka oo ka mid ahaa xubnihii Aqalka Sare ee maanta tegay magaalada Garowe ayaa sheegay inay xaaladda dalka gashay walaac, wuxuuna intaasi raaciyey in dowladda Soomaaliya uu soo foodsaaray khakhal siyaasi ah iyo khalkhal amni ah, ayna wada socdaan Amniga iyo dhaqaaluhuna, taasoo keentay in dhinac kasta xaaladu tahay mid culus.

Senator Mahdi Daahir ayaa sheegay inuu jiro kacdoon siyaasi oo hadda ka gudbay siyaasiyiinta, isagoo lugaha la galay shacabkii deganaa maagaalada Muqdisho, wuxuuna yiri: “Horta illaah waxaan ka baryaynaa Xamar mar bay burburtay in aanay mar labaad inaga burburin”.

Ad

Wuxuu u soo jeediyay maamulka iyo dadka Puntland in looga baahan yahay inay keenaan xal waafi ah oo looga gudbi karo xaaladda kala guurka, iyadoo si gaara Puntland u saaran yahay culeys weyn.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON