Senator Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u soo jeediyay inuu ciyaaro kaalin hoggaamiyenimo uu ku dhaqaaqo isedello waaweyn, sida uu bedelo Ra’iisal wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Senatoorka oo Qormo dood badan dhalisay ka qoray xaaladda Soomaaliya ayaa ka digay in dagaalka Alshabaab ee hadda socda iyo beelaha hubka la siiyay, lana abaabulay, haddii aan la maareyn uu Soomaaliya u horseedi doono cadaab.
Arrimaha uu Senator Cabdi Ismaaciil Samatar soo jeediyay waxaa ka mida inuu Madaxweynaha bedelo Ra’iisal wasaaraha, soona dhiso xukuumad cusub, isagoo Xamsa Cabdi Barre ku tilmaamay
“Madaxweynaha waa inuu soo nooleeyaa kalsoonidiisa hoggaamiye qaran isagoo ku hawlaya afar arrimood. Ugu horeyn waxaa loo baahan yahay in la bedelo Ra’iisal wasaaraha iyo Golaha wasiirada, lana keeno Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo tayo leh oo bulshada hagi kara, dowladana lagu aamini karo”. ayuu yiri Cabdi Ismacil Samatar.
Wuxuu sheegay inay la wada ogsoon yahay in ra’iisul wasaaraha hadda jira ee ‘Xamsa Cabdi Barre’ iyo wasiirradiisa loo magacaabay sidii uu madaxweynaha u noqon lahaa madaxa fulinta ee xukuumadda, halkii uu ka noqon lahaa madaxa qaranka.
Senator-ka wuxuu soo jeediyay in marka hore caasimadda Muqdisho la hagaajiyo maamulkeeda iyo amnigeeda, loona ogolaado inay soo doortaan Mamaulkooda sida Duqa magaalada iyo Golaha deegaanka.