Monday, February 10, 2025

Senator C/llaahi Fartaag: “Amiir Caamir lacag siiya ama Facebook lacag siiya.. Gaal kama shaqeyn doono Bankiga Dhexe..”

Senator C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ka mida Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si weyn uga hor yimid wax ka bedelkii lagu sameeyay sharciga Bankiga Dhexe oo Baarlamaanka Soomaaliya ay u coddeeyeen.

Senatorka oo ka mida madaxda xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa sheegay in wax kastoo dhaca aysan ogolaan doonin xeerkaasi, aqalka sarena uu go’aan ka gaari doono, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in sharci noocaas ah loo coddeeyo.

“Waxba kama jiraan sharciga la bedeley, inta damiirka leh ee Soomaaliyeedna ma yeeli doonto.. Ma yeeleyno in la jebiyo muwaadin Soomaaliyeed oo jooga in nin ajnabi ah lasoo qaato… Waa qaran dumis ayay na leeyihiin inta Amiir Caamir lacag siiyeen… Amiir Caamir lacag siiya ama facebook lacag siiya, wallaahi inaan Gaal ka shaqeyn doonin Bankiga Dhexe..” ayuu yiri Senator C/llaahi

Ad

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON