Saxafiyiinta ka howlgala magaalada Muqdisho iyo madaxda ururrada saxafiyiinta ayaa maanta Muqdisho ka dhigay bannaanbax ay ku dalbanayaan in la sii daayo Weriye C/llaahi Kulmiye Caddow oo maalintii saddexaad u xiran ciidamada Nabadsugidda.
Weriyeyaasha iyo madaxda warbaahinta ayaa sharci darro ku tilmaamay qaabka loo xiray weriyaha, waxayna sheegeen qaabka ay dowladda hadda jirta ula dhaqmeyso saxafiyiinta ay tahay mid caddowtinimo.
Guddomiyaha Midowga xarumaha warbaahinta SOMWA Maxamed C/wahaab C/llaahi, Agaasimaha Radio Kulmiye Cismaan C/llaahi Guure iyo Guddoomiyaha ururka FESOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa ka dhex muuqday bannaanbax lagu dalbaneyay sii deynta Weriye C/llaahi Kulmiye.
Weriyaha ayaa la sheegay in Hay’adda NISA ay u xirtayy wareysi uu ka qaaday Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan, waxayna ciidamada xoog ku galeen xilli saq dhexe ah Gurigisa oo ay kala baxeen.


