Guddoomiyaha Gobolka Benaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan Yarisow) ayaa dhul ku yaalla degmada Wadajir, gaar ahaan degaanka Jasiira ku wareejiyay Ciidanka Xoogga dalka, iyadoo dhulkaasi ay dawladda Turkiga ka dhisi doonto xarun lagu tababarro ciidamada Soomaaliya.
Guddoomiye Yariisow ayaa tilmaamay in dhulkan ay lahaayeen intiisa badan Ciidanka Xoogga Dalka, isla markaana si-deg deg ah looga dhisi doono xarun qalabkeedu u dhameystiran yahay oo lagu tababarayo Ciidanka X.D.S. Waxaana uu intaasi ku daray in dhulka loo isticmaali doono xarun lagu tababaro Ciidanka.
Qeyb ka mida dhulkaasi ayaa la sheegay inay lahaayeen dad shacab ah, balse ay isku af-garteen Wasaaradda Gaashaandhigga Dawladda Federaalka ah in dadkaas loogu badelo dhulal kale oo ay ku leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka gudaha magaalada Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Maxamed Mursal iyo Taliyeha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa bogaadiyey wada shaqeynta wanaagsan ee ka dhaxeysa Ciidanka iyo bulshada Gobolka, iyagoona sheegay in ay kala shaqeynayaan Maamulka Gobolka sidii xal loogu heli lahaa dadka qeybta ku lahaa dhulkan loo aqoonsaday danta guud.
Taliyaha Xarunta Tababarka Turkiga ee Soomaaliya Jeneraal Maxamed Yaasiin ayaa tilmaamay xiriirka walaaltinimada leh ee ka dhaxeeya labada dal, waxa uuna sheegay in ay kaalin muhiim ah siinayaan dib u dhiska Soomaaliya gaar ahaan dhanka amniga iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.