Saturday, March 15, 2025

SAWIRRO: Tareen Dheereeya ee magaalooyinka barakeysan ee Maka & Medina oo xariga laga jaray

Boqorka Sucuudiga Salmaan Bin C/casiis ayaa xariga ka jaray Tareenka dheereeya oo casri ah, kasoo isku xiri doona magaalooyinka  ee bareykan ee Maka Almukarama iyo Madiina.

Dhisitaanka khadka tareenka waxaa ku baxday lacag dhan 6.7 bilyan oo doolar. Khadkan tareenka ayaa sacaaddiiba jari doonaa 300 kilomitar oo u dhaxeysa labada magaalo oo muhiim u ah cibaadada Xajka iyo Cumrada Muslimiinta.

Saraakiisha Sucuudiga ayaa sheegay in Tareenka uu qaadii doono sannadkiiba 60 miliyan oo rakaab ah isla markaasna uu fududeyn doono Ciriiriga ka jiray xujeyda xilliga xajka ee isaga gooshaya magaalooyinka Maka ilaa Madiina.

Ad

Waxaana la filaya inuu si rasmi ah u howlgalo Isniinta 30-ka bisha September. Wasiirka gaadiidka dalka Sucuudiga Nabil Al-Camuud ayaa sheegay in sacaado yar loo qaadan doono waddada isku xirta Maka iyo Madina.

- Advertisement -

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON