Shir madaxeedii IGAD ee arrimaha Qaxootiga Soomaalida ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Khudbadii madaxweyne Farmaajo ka jeediyay shirka ayuu si cad ugu sheegay in xal u helidda Qaxootiga Soomaalida ay tahay arrim ay muhiimad weyn siineyso dowladiisa.
“Mar waliba waxaan aragnaa mashaariic fara badan oo la fulinayo, iyadoo aanay la socon dowladda, tani waa inaysan sii socon. maamulkeyga wuxuu xoojin doonnaa wasaaradaha arrimahan qaabilsan si ay idinla shaqeeyaan oo mid waliba lagula xisaabtamo ujeedooyinkii loo asteeyay.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo shirka khudbad ka jeediyay.
SAWIRRO