Dowladda Shiinaha ayaa Deeq Raashiin ugu deeqday shacabka Soomaaliyeed , iyadoo u soo marisay Hay’adda cuntada adduunka ee WFP.
Munaasabad Deeqdan lagu gudoonsiiyay WFP ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Maryan Qaasim Axmed iyo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya.
Deeqdan ayaa ah Bariis gaaraya 2800 tan, iyadoo la sheegay in la gaarsiin doono xeryaha dadka barakacayaasha ee ku yaalla gobolka Banaadir iyo degaanada ku xeeran.
Wasiir Maryan Deeqdan ayaa mahacelin weyn u jeedisayu dowladda Shiinaha, waxayna sheegtay in deeqda Bariiska ah la siin doono xarumaha cuntada bisil laga dhiibo ee ku yaalla gobolka Banaadir, lagunba quudin doono 95,000 oo Qof.