Saturday, May 17, 2025

Sawirro: Sheekh Mukhtaar Roobow oo la hadlay Saxaafada [Muxuu ka sheegay?-]

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa uu danbeyn loo soo bandhigay saxaafadda isagoo goor dhoweyd kula hadlay Royal Plaza hotel.

Ammaanka ayaa la adkeeyay iyadoo ciidamada NISA ay meel waliba xireen, waxaana saxafiyiinta goobta tegay ay sheegeen in xaaladda ay ahayd mid aad loo adkeeyay ammaanka. Goobta uu shirka jaraa’id ku qabanayo Sheekh Roobow ayaa dhinac waliba looga xardhay Calanka Soomaaliya.

Sheekh Roobow ayaa sheegay inuu ka baxay kooxda Alshabaab isla markaana uu berri ka yahay ficiladda ay ku kaceen, isla markaana uu doonayo inuu dadka Soomaaliyeed u caddeeyo mowqifkiisa.

Ad

Wuxuu u mahadceliyay dowladda Soomaaliya shacabkeeda iyo madaxdeedaoo si weyn u soo dhoweysay, isagoo sheegay inuu rajo ka qabo wadahadal u socda dowladda Federaalka, isagoo rajeynaya inay si nabad waarta ku dhammaadaan.

Wuxuu Sheekh Roobow cambaareeyay kooxda Alshabaab iyo falalkeeda argixisada ah, taasoo uu sheegay inaysan meel u lahayd diinta islaamka.

“Anigoo ah Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, kana mid ahaa asaasayaashii Alshabaab, soona noqday ku xigeenkii madaxa Alshabaab waxaan u cadeynaya dhamaan ummada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka oo dhan qodobada soo socda:-
1- In aan ka baxay xubina ka aheyn ururka Alshabaab muddo 5sano iyo 7bilood ah, sababta aan uga baxayna ay tahay kala duwanaan fahan iyo khilaaf caqiido ku qotoma oo ku saabsan arrimo aanan diinta, dadka iyo dalka u adeegaynin.
Markii aan ka tegay kooxda dhowr jeer oo hore waxa ay isku dayeen in ay i dilaan, balse Alxamdulilah waan ka guuleystay
2-Waxaan u mahadcelinaya Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda Caalamka kaalintii ay ku lahaayeen in Heerkan wax so gaaraan.
3- Waxaan cadeynaya inuu wadahadal noo socdo Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo aan marti ugu ahay magaalada Muqdisho, Wadahadal kaasna aan ka fileyno natiijo iyo isfahan wax gal noqda Inshallah.
4-Waxaan marlabaad u mahadcelinaya Dowladda Soomaaliyeed , Shacabkeeda iyo Madaxdeeda sida diiran ee la iigu soo dhoweeyay Muqdisho, anaga oo rajo ka qabna inaan u gogol xaarno Nabad waarta.
Wa Billaahi Towfiiq
Shiikh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) “

SAWIRRO

- Advertisement -

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON