Munaasbad tababar loogu soo xiray, laguna dhaariyey saraakiil ku soo biiray ciidamada xoogga dalka ayaa maanta ka dhacday saldhigga Milatgeriga Turkiga ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha ciidamada xoogga dalka ayaa ka qeyb galay xafladda oo lagu dhaariyey 47 Leyli Saraakiil iyo Saraakiil Xigeeno ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo ka qalin jabiyay kuliyada tababarka Turkisom ee Magaalada Muqdisho.
“Waxaan Maanta aan ka qeyb galay Munaasabad lagu dhaarinayay 47 Leyli Saraakiil iyo Saraakiil Xigeeno ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo ka Qalin jabiyay kuliyada tababarka Turkisom ee Magaalada Muqdisho” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Indhoqarshe.
Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed ayaa uga mahad celiyay dawladda Turkiga sida ay uga qeyb qaadaneyso dhismaha iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga dalka.
Saraakiisha Dugsiga tababarka Ciidanka ee TurkSom, ayaa sheegay in dhowaan Imtixaano ay qaadeen inay ka gudbeen 185 Arday oo loo qaatay in loo tababaro Leyli Saraakiil iyo Saraakiil Xiggeeno.