SAWIRRO: Shirka Dib u eegista Dastuurka oo ka furmay Muqdisho & Wararkii ugu danbeeyay

0

Shirweynaha dib u eegista Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqidsho.

Shirkan oo ay soo qabanqaabiyeen Wasaarada Dastuurka xukuumadda Soomaaliya iyo Guddiyada dib u eegsita Dastuurka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa furay Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna ku simaha madaxweynaha Maxamed Mursal Sheekh, iyadoo uu khudbad ka jeediyay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo sheegay in dhameystirka Dastuurka uu yahay howsha ugu muhiimsan ee xukuumadiisa hortaalla.

Shirka oo la sheegay inay ka qeyb galeen ergo ku dhow 300 qof ayaa waxa ka maqnaa xubnihii maamulka Jubbaland ka socda oo qaadacay shirka, waxaana la sheegay inay socoto waanwaan lagu soo doonayo inay ku soo biiraan shirka.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in shirka oo socon doona muddo saddex maalmood ah uu soo xiri doono madaxweyne Farmaajo marka uu kasoo laabto dalka Qatar oo uu maanta safar ugu baxay.

Image may contain: 1 person, standing

Image may contain: 5 people, people sittingImage may contain: 5 people, people sitting, crowd and indoor